Lacagta uu Burak Ozcivit ku qaadan doono taxanaha Dirilis Osman oo noqotay hadalheynta ugu weyn warbaahinta turkida. Hadaba waa imisa?

0
752

Jilaaga Burak Ozcivit waa jilaaga ugu shacbiyada balaaran jilayaasha turkida dhanka baraha bulshada wuxuuna markasta la yimaadaa taxane sheeko ahaan aad u wanaagsan sidoo kalana dadweynaha fariintiisa ka helaan sida taxanayaasha Kara Sevda iyo CaliKusu.

Hadaba Burak ayaa tan iyo 2017dii wax taxane ah la imaanin balse sanadkaan 2019ka dabayaaqadiisa ayuu wuxuu la imaan doonaa taxanaha guusha weyn gaaray ee Dirilis Ertugrul season 6 waxaana loo badalay Dirilis Osman asigoona hogaamiye ka ah wuxuuna matali doonaa doorka Osman Ertugrul.

Hadaba waxaa dhawaan la shaaciyay in Burak uu taxanahaan ku qaadan doono 350,000 ilaa 500,000 oo liiro lacagta turkida ah taasoona u dhigmeyso inuu bishii qaato 1.5 Million ilaa 2 Millions waana lacago waali ah.

Hadalheynta lacagta uu Burak taxanahaan ku qaadan doono ayaa baryahaan saxaafada aad u hadal haayeen waxaana xusid mudan in Burak uu taxanihii Kara Sevda ku qaadanayay lacagtaan mid aad uga yar.

Taxanaha Dirilis Osman waa taxane miisaaniyad weyn xambaarsan lagana sugaayo in Ratinka TVyada hogaanka u qabto asigoona ahaa 5tii sano ugu dambeysay taxanaha loogu daawasho badanyahay gudaha turkida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here