Lacagtaa hadleyso; lacagaha Housefull4 uu sameynaayo ayaa jawaab ugu filan dadkii filimkaan dhaliilay iyo maalintiisa 6aad lacagaha uu keenay.

0
1570

Housefull 4 ayaa wali iska sii wato ganacsigiisii waalida ahaa xili uu maanta oo arbaco ahna uu sameeyay ganacsi weyn asigoona hoos u dhac weyn sameynin.

H4 ayaa maanta oo arbaco ah keenay lacago u dhaxeeyo 15 ilaa 16 crore waana ganacsi kale oo weyn asigoona haatan sidaan kusoo xareeyay 125 crore waana kaliya 6 maalmood.

Shabakada BOI oo maqaal ka diyaarisay arinkaan ayaa waxay sheegtay in ganacsiga uu sameynaay H4 iyo lacagaha uu soo xareynaayo ay jawaab u tahay qolyihii filimkaan dhaleeceynayay xili si weyn ay ugu daadsantahay maadaama daawadayaasha ay H4 ku xoomeen isla markaasna iska indho tireen kuwa filimada naqdiya warkooda.

H4 ayay haatan u badantahay inuu ka gudbay tijaabadii hortaalay isla markaasna uu cagta marin doono rikoorka Golmaal Again oo ah filimka Comedyga lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoona 2017dii keenay 205 crore blasé rikoorkaas haatan H4 ayay u badantahay inuu jabin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here