Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra ayaa u matali doonaan Bollywood-ka bandhig faneed caalami ah oo si Online ah looga qayb qaadan doono kaasi oo looga hadli doono la dagaalanka COVID-19 oo dunida dhibaato daran ku haayo loona wada istaagi doono in cudurkaan laga wada guuleesto.

Bandhigan loogu magac daray One World: Together At Home global waxaa hawada lagu soo fasixi doonaa 18-ka bishan April maalin Sabti ah si loogu garab istaago qolyaha caafimaadka dalalka aduunka sida ay Coronavirus ula dagaalayaan xitaa waxaa bandhigaan kasoo muuqan doonaan dhaqaatiir, kal kaalisayaal iyo qoysas daafaha caalamka ku kala nool oo xanuunkan ku dhacay kana guuleesteen ama eheladooda ku geeriyoodeen.

Bandhigan waxaa soo abaabushay gabadha heesaaga iyo jilaaga isku ah Lady Gaga waxaana kasoo muuqan doonaan shaqsiyaad badan oo jilaayaal dunida caanka ah iyo dad kale oo caan ah waxaana ka mid ah dadka kale bandhigan kasoo muuqan doonaan Alanis Morissette, Andrea Bocelli, Billie Eilish, Billie Joe Armstrong of Green Day, Burna Boy, Chris Martin, David Beckham, Eddie Vedder, Elton John, FINNEAS, Idris & Sabrina Elba, J Balvin, John Legend, Kacey Musgraves, Keith Urban, Kerry Washington, Lang Lang, Lizzo, Maluma, Paul McCartney, Priyanka Chopra Jonas, Shah Rukh Khan, iyo Stevie Wonder.

Sidoo kale bandhigan waxaa xariiriyaal ka noqon doonaan ruug cadaayaasha bandhigyada caalamka ugu caansan xariiriyaan kuwaas oo kala ah Jimmy Fallon bandhiga The Tonight Show ku caan baxay, Jimmy Kimmel oo bandhiga Jimmy Kimmel Live lagu yaqaan iyo Stephen Colbert oo ku caan baxay The Late Show iyo Friends from Sesame Street.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here