Yaa yiri Dumarka oo kaliya ayaa shuruudo lagu xiraa ileen waxaan ogeyn atiriishooyin badan oo Bollywoodka Katirsan in waqtiyo kala duwan la damcay jirkooda laguna xujeyay inee la seexdaan Filimsameyaal badan si shaqo looga siiyo Bollywoodka.

Markaab waxaan idiin heynaa xog kusaabsan qeybta Ragga la damcay ee xujo looga dhigay iyagana markooda falkaas anshax xumada ah balse Raggan la damcay hadee dumar damci lahaayen shuruudaasna ku xiri lahaayen weyba roonaan lahed ee waa niman Ragg ahen oo Laga-Roonayaal ah (Qaniisiin) kuwaaso Atoorayaasha Bollywood-ka markee cusub yihiin shuruudahan ku xiraan.

Ranveer Singh ayee kudhacday arinkaan markuu Bollywoodka kucusbaa isla isaga ayaana hada kahor afkiisa ka shaaciyay mar uu ka hadlaayey nidaamka Bollywoodka laga hirgaliyay misane dumarka loogu ololeynaayo ee Me Too Movement ladhaho waxuu yiri isagoo xidigaan ka sheekeynaayo dhacdadan.

“Atiriishooyinka kaliya laguma xad gudbo shuruudna laguma xiro sido kale atoorayaashana waa la xujeya aniga maalmihii iigu horeyeen Bollywoodka waxaan kusoo qaldoomay laga roone Filimsameye ah.”

“Ma doonaayo inaan magaciisa sheego balse waxuu iga dalbaday inaan hal habeen la seexdo waxuu rabana u sameeyo markii aan ka diiday oohin ayuu bilaaway sida caruurtii anigoo yaaban ayaa xafiiskiisa isaga soo tagay gadaal dambe waxaan ka maqlay inuu atoore walba sidaa ku xujeyn jiray waligiis.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here