Mowduuca uu ka hadlaayo: waa filim dhacdo xaqiiqo ah misane Sports lagu lifaaqay looga hadlaayo, 1890-maadkii ayeena qisadan dhacday. Fariinta Filimka oo kooban: Waa xiligii gumeystaha ingiriiska ee dalka India:

Xaafad kutaalo gobolka Gujarat waxaa ka masuul ah askari British kibir badan kaaso canshuur labo-laab ah ka qaado dadka tuulada waana tuulada uu Aamir daganyahay. Hadaba dadka marke arinkaas dhibsadaan waxuu ku xejeynaa inee ciyaarta Cricket-ka u baxaan hadii ay guulestaana canshuurta uu ka qaato ka dhaafi doono balse hadi isaga guulesyto seddex-jibaar canshuur ah uu ka qaadan doono sanad walba.

Mudo 3-bil ayuu siinaa inee ciyaarta Cricket-ka kubartaan hadaba Aamir ayaa hormuud u noqonaayo dadka tuulada ciyaarta ayeena baranayaan. Ugu dambeyn si qiiro iyo xamaasad leh ayee ku badinayaan inaba caadi ma ahan qaabka Aamir ku guuleysanaayo iyo muuqaalka dhamaadka.

Haddii aad tahay reer Sports iyo haddii aadan aheynba Lagaan 100% wuu kugu soconaa Filim ahaan waayo waa Challenge adag iyo xamaasad heer sare ah inaad 3-bil ciyaar aadan aqoonin ku barato kagana badiso dad ciyaartan quudan jireen wax sahlan ma ahan.

Ogow waa dhacdo xaqiiqi ah oo horey udhacday filim ahaana laga dhigay soo daawo Lagaan waan kugu dhiiro galinaa hadii aadan daawan. Sababta aad u daawanin ilaa hada waa in Cricket la ciyaarayo caajis ayaana u aragtaa kkkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here