Inta badan atirishooyinka Bollywood-ka waxay dhaliileen fariinta filimka Kabir Singh ee sanadkii hore Blockbuster weyn madaama Shahid Kapoor doorkiisii uu ahaa mid u dumarka ku liidayay sidoo kalena xitaa u gacan qaadayo Kiara Advani oo jaceylkiisa ku mataleesay filimkan.

Balse atirishada Vidya Balan ayaa si lama filaan ah Shahid Kapoor iyo filimkiisa u garab istaagtay xili xitaa ururada xuquuqda dumarka u doodaan dhaliil xoogan usoo jeediyeen fariinta filimka Kabir oo lagu heesto in dumarka siweyn filimkan loogu liiday.

Vidya Balan waxay tiri “Xili waxaa jirtay filimada aan daawado nafsadeyda la xariirin jirin ama fariintiisa dhibsan jiray, balse hadda waaya arag ayaan noqday waan fahmi karaa fariinta dumarka dhibeyso iyo mida u roon, tusaale ahaan filimka Kabir Singh dumarka oo idil fariintiisa wey dhaliileen laakiin waan daawaday filimka aniga fariintiisa caadi ayay ila tahay wax sidaas u qaldan oo dumarka siweyn loogu liidayo sharafkooda kuma arkin.”

“Sheekada dulucdeeda waxay tahay Kabir Singh ma ahan in Hindiya kaliya ku nool yahay Kabir Singh badan ayaa dunida kuwaas oo dabeecad qalafsan leh, run ahaantii aniga Kabir Singh kama helin laakiin qaabka sheekada loo dhigay ilama ahan inay tahay mid dumarka lagu liidayo.”

Vidya Balan waxay atirishooyinka ku boorisay inay doortaan aflaan fariintooda awooda dumarka sare loogu qaadayo sidoo kalena mashaariicda ay dooranayaan ka eegaan dhanka sumcada dumar ahaaneed maxaa dan ugu jirto sameyntooda oo aysan ka fiirin dhaqaalaha lagu siinayo aflaanta kala duwan kasoo muuqashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here