Pulkit Samrat iyo Kriti Kharbanda waxay ka mid yihiin jilaayaasha Bollywood-ka usoo baxeen ee la wada jecel yahay waana lamaane fanka Hindiya iskd doorteen kuna rajo weyn inay nolosha si dhab ah isku qeebsadaan haatana waxaa la xaqiijiyay Megastar Salman Khan shirkiida Salman Khan Films mashruuc ay maal galineyso inay isla sameyn doonaan oo ay doorar dhameestiran ku lahaan doonaan.

Pulkit Samrat iyo Kriti Kharbanda filimka ay kasoo muuqan doonaan waxaa la dhahaa Bulbul Marriage Hall waana filim jaceyl, shactiro iyo fariinta arimaha qoyska isku jiro ah qorshahana wuxuu ahaa bishii April dhawaan kasoo gudubnay duubistiisa inay bilaabo balse haatan shaqadiisa waxay bilaaban doontaa marka xaalada caadi kusoo laabato oo Hindiya bandowga ka baxaan.

Marka laga soo tago Pulkit Samrat iyo Kriti Kharbanda sidoo kale filimkan waxaa wax ka jili doonaan Sunil Grover iyo Daisy Shah wuxuuna Salman Khan sheegay in Sunil Grover filimkan ku matali doono Pulkit walaalkiis ka weyn waxaana filimkan Director ka ah Rohit Nayyar.

Pulkit Samrat iyo Kriti Kharbanda waxay ku kalsoon yihiin filimkooda cusub Bulbul Marriage inay ka heli doonaan taageerayaashooda waxayna lamaanahan horey iskula sameeyeen filimada ay ka mid yihiin Veerey Ki Wedding (2018) iyo Pagalpanti (2019).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here