Kulanti wacan Akhritayaaha qiimaha badan meel walbo joogtaan maalin wanaagsan maanta waxaan halkaan kaga hadleynaa mowduuc xasaasi ah oo ku saabsan lamaane Soomaali ah oo kudhacday qisada Filimka Mann oo kale.

Sidaan wada ognahay Filimka Mann waxuu ka hadlaa wiil iyo gabar is jeclaanayaan kadibna ku balamayaan meel fagaaro ah si ay ugu kulmaan hadii ay halkaas ku kulmaana horey iska guursan doonaan ballan noocaas ah ayee galayaan jilayaasha doorarkan kala jilayaan ee kala ah Aamir Khan iyo Manisha Koirala.

Balse musiibo ayaa soo kala dhexgaleyso kadib markii Manisha Koirala shil baabuur galeyso halkaasna ay ku weyneyso lugaheedii weyna u cuntami weyne inee arinkaan usheegto wiilke jecled (Aamir).

Kadib waxay go’aan ku gaare ine dhibkeeda qarsato nolosha kalinimo ku dhameysato halka Aamir dhankiisa ka silcaayo marba haduu waayey gabadhu jeclaa uvu dambeyn dhamaadka Filimka wey is helayaan waliba iyadoo lugo la’aan ah ayuu guursanaa mashruucan ayaana ah midka ugu saameeynta badan dadka Soomaalida dhexdooda ama Filim jaceyl kii ugu qiiraha badnaa dadka Soonaalida dhankooda Mann ayee u aqoonsadeen inta badan. Hadaba aan dulmar ku sameyno lamaanaha Soomaalida ah ee qisadan mid shabahdo kudhacday:

Wiilka waxaa ladhahaa Cabdifitaax gabadhana waxaa la dhahaa Hodan waxay wada dhiganayeen iskuul kuyaala Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho misane dalka Somalia ah qisada Mann iyo qisadan meelo badan ayee kukala duwan yihiin balse nuxurka qisada wey isaga egyihiin.

Cabdifitaax waxuu ahaa wiil kaftan badan oo gabdhaha la haasawaa una sheekeya gabdhshana wey ka heli jiree sheekadiisa taariikhdana xiligaas waxay ahed inta udhaxeysay 2000 ilaa 2002 waxaana hader laga joogaa qiyaas ahaan 18-20 sano Cabdifitaax waxuu maalin maalmaha kamid ah arkay Hodan oo iskuulka kucusub. Hodan lama mid ahen gabdhaha unugul sheekooyinka Cabdifitaax oo gabar ad adag ayee ahed oo dhanka haasawaha ku mashquuli jirin waxuuna Cabdifitaax la yaabi jiray gabadhasn bulshads iska dhex saarta aamusnaanta badan waxuuna iskudayey inuu la kaftamo, la sheekeysto misane bulshada kusoo dhexdaro ileen isaga dabeecad ayee ka ahed inuu gabar walba isbaro shuruud la’aan.

Hodan wey ka diiday Cabdifitaax sheekadiisa iyo haasawaha uu damacsanaa fagtii hore weyna isku dhaceen dhowr jeer heer ay maamuulka iskuulka ku dacweyso kadib Cabdifitaax wuu isaga gaabsaday gabadhii maadama uu arkay inee ka duwantahay dhamaan gabdhaha kale.

Maalin maalmaha kamid ah Hodan oo iskuulkeda usocoto waxaa akteeda gaari uu saarnaa Cabdifitaax ayna lajireen hooyadiis iyo adeerkiis waana gaari nooca raaxada ah oo Cabdifitaax iskuulka uudhigto lagusii dhaweyo maadama uu ka dhashtay reer lacag leh balse waxuu arkah Hodan oo qoraxda lugeyneysa xaafada Buulaxubey ayeena degened waxuuna ka codsaday inee gasriga so korto ileen iskuulka ayee uwada socdaan Hodan markii hore weydiiday balse marke aragtay wiilka reerkiisa lasocdaan xoogaa foolxumo ayee la noqotay inee diido weyna raacday intii iskuulka loo soo socday ayaana la isbartay oo Hodan iyo maamadii ayaa sheekesteen halkii ayaana lagu wada kaftamay inta iskuulka laga soo gaarayey.

Maalintas wixii ka dambeyay Cabdifitaax iyo Hodan saaxiib ayee noqdeen oo isfahma iyadana xoogaa kalsooni ayee ka heshay dhankiisa balse xiriir walaaltinimo kaliya ayee ufurtay run ahaantii Cabdifitaax dabeecadiisa wuu bedelay waxuu noqday wiil degen oo joojiyay la sheekeysiga gabdhaha iyo farakacayaarkooda waxuuna kusoo koobmay kaliya nolosba Hodan iyo siduu waqti ula qaadan lahaa waayo waxayba noqotay gabar nolosha wax badan ka bartay isaga.

Hodan waxay ahed gabar go’aan leh da’deedu waxay ahed 19 jir bikro ah oo aan waliged nin la haasaawin iskaba dhaaf inuu jirkeeda taabto waxay ahed gabadha kaliya ee qoyskeeda qabeen waxuuna qoyskeeda ka koobnaa iyada iyo 2-wiil ka yaryar aabahed ma noolaa wuu geeriyooday hooyaded oo ah qof iska xanuunsan ayaa guriga joogtay waxaana cida biilayey abtiged oo hooyaded la dhashtay kaaso shaqeynayey reerna lahaa balse walaashiis iyo caruurteda gacanta ayuu kuhayey Hodan noloshaas ayee ku nooleed oo waxay ahed qof soo dhadhamisay nolosha dhabta ah halka Cabdifitaax 21 jir uu ahaa reer lacag leh ka dhashtay waligiisna waxuu raboodo loo sameyn jiray balse qalbigiisa wuu wanaagsanaa waxuuna ahaa qof bulshaawi ah oo dadka kaftankiisa kusoo jiidan kara mana ahen dadka iskibriya maadama dadka lacagta leh lagu yaqaano kibirka.

Cabdifitaax si tartiib tartiib ah ayuu kaga helay Hodan dabeecadeeda wanaagsan iyo sidee daacad u tahay dhanka kale Hodan nolol hoose haba ku noolaate waxay ahed gabar Illaahay qurux siiyay oo qurux udhalasho ah looguma faani jirin kaliya waxaa la dheera waa dhaldhalaalka iyo labiska qaaliga ah Hodan waxay ahed gabar dhex dhexaad ah dhirirkeeda miisaankeeda dhex dhexaad ayuu ahaa mana caylanen caatana ma ahen qurux dumar wey lahed dhan walba oo dumar kaga tilmaamo quruxdooda laga bilaawo madaxa ilaa lugaha.

Cabdifitaax gabadhii jaceyl ayuu u qaaday mudo 11 maalmood oo ay saaxiib ahaayen ayuuna ku jeclaaday mudadaas 11-maalmood ahna kulankooda ayaa badnaa sheekadooda ayaa badneed cashirada iskuulka ayee iska caawin jireen xitaa, mararka qaar xaafadeeda ayuu ugu tagi jiray Cabdifitaax qalbigiisa waxaa galay boholyow caashaq.

Laakiin Hodan dhankeeda waxba majiraan mana garanaayo siduu jaceylkiisa ugu sheegan lahaa waxuu ka baqaa haduu usheego inee xiriirka iyo hadalka ujarto ileen markii hore ayee kala saxiixdeen inuusan haasaawe lasoo gali doonin kaliyana walaalo iyo saaxiibo ahaan doonaan mudo 2-maalmood ah ayuu Cabdifitaax ka fikiraayey qaabkuu ugu sheegan lahaa Hodan jaceylkiisa maalintii seddexaad go’aan ayuu gaaray inuj usheegto mana qarsan kare waxuuna sameeyay qorsho uu kaga dhaadhacsiin karo dantiisa waaba kan isagoo isdiyaariyay si heer sare ah xili galabna ay tahay waxuuna Hodan ku ballamiyay gurigeeda waxuuna usheegay in maanta dhagaheeda maqli doonaan wax mucjiso ah iyo sheeko uu mudo ka qarinaayey.

Dhanka kale Hodan dhankeeda maskaxdeeda dhowr suaal ayee weydiisay oo kuaadan tolow maxuu maanta sheegi rabaa maxay yihiin waxuu qarinaayey iyo wax lamid ah xili hore ayeena isdiyaarisay iyadana waxayna sugeysaa waa isaga kaliya waana galab jimco ah jawi macaana lagu jiro.

Maxaa dhici doono Cabdifitaax ma usheegan doonaa jaceylkiisa Hodan iyadase maka aqbali doontaa lasoco qeybta labaad iyo lamaanahan jaceylkooda halkuu ku dambeyn doono iyo qisadan halkee ka shabahdo Filimka Mann waadna ogaan doontaa meelaha ay iska shabahaan ama isaga ekyihiin Insha’Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here