Kusoo dhawaada qaybta labaad aan kaga hadleenay marka ay dhacday in jilaayaasha Bollywood-ka jecel dhex maro balse nadiib daro aysan is calfanin sida diiwaan gashan kuwooda ugu hadal heynta badnaa.

Hadaba xogtaan waa mid soo jireen ah sidoo kalena waqti ahaan aad u fog xiliga ay soo bilaabatay inay xidigaha Bollywood-ka is doortaan laakiin kuwooda aan is calfanin hadal xoogana abuureen ayaan si gaar ah u fiirin doonaa:

Salman Khan Iyo Aishwarya Rai Bachchan: Waa jaceylkii ugu hadal heynta badnaa uguna muranka badnaa ee ebid ka dhex dhasho lamaane Bollywood-ka iska dhex doorteen.

Salman iyo Aish waxay is fahmeen sanadii 1997 xili ay filimkii Hum Dil De Chuke Sanam wada duubayeen jaceylkooda wuxuu gaaray heer aan la qarin karin sidoo kalena ay Bollywood-ka ka wada marag kaceen waxa ka dhaxeeyay labadaan lamaane.

Laakiin nasiib xumo sanado qurux badan oo ay soo wada qaateen Salman Khan ayaa bur buriyay markii uu si qaab daran Aish ula dhaqmay iyo qoyskeeda.

Akshay Kumar Iyo Raveena Tandon: 90-kii jaceylkii ugu saameynta badnaa wuxuu ka dhex dhashay Akki iyo xidigtiisa aan ka harin Raveena.

Raveena ayaa xili dambe saxaafada u sheegtay inay Akshay si qarsoodi ah u guursatay sidoo kalena uu ka codsaday shaqada filim jilista inay joojiso si ay marwadiisa la wada og yahay u noqoto.

Markii Raveena aqbashay dalabkii Akki waxay ogaatay xidigaan inaysan wax walbo dhab ka ahayn sidoo kalena naago kale ku dul wado sida Rekha iyo kuwo kale.

Raveena kalsooni daro ayaa ku dhacday waxayna go’aan ku gaartay inay ka baxdo noloshii Akki ee uu ku cayaari jiray danihiisana ka raacan jiray!

Mithun Chakraborty Iyo Sridevi: 80-kii Bollywood-ka waxaa qabsaday xiriirkii ka dhaxeeyay Mithun oo xaasle ah iyo gabadhii ubaxa ahayd ee la wada jeclaa Sridevi.

La Soco Qaybta 3-aad Ee Maqaalkaan Xiisaha Badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here