Lata Mangeshkar oo ah halyee dhanka heesaha Bollywood-ka looga haray sidoo kalena ah qof astaan u ah qaranka Hindiya ayaa isbitaal loola cararay kadib markii neefsiga dhibay sidoo kalena xaalad deg deg ah oo ay miir dabool matay gashay sida warbaahinta loo sheegay.

Breach Candy hospital oo Mumbai ku yaalo ayaa xili dambe oo habeen ah Isniintii 1:30 am Lata loola cararay si neefta ku dhagan looga fujiyo si deg deg ah ayaa loola tacaalay waxaana la sheegay in haatan xaalad dagan oo ay soo kabaneyso inay ku jirto.

Lata Mangeshkar waxay u dabaal dagtay sanad guuradeeda 90-aad 28-kii September 2019 waxaana lagu sharfay in dowlada Hindiya siiyeen astaanta ah Gabadha Qaranka Hindiya ka dhaxeyso waxaana hambalyo kala duwan usoo direen jilaayaasha Bollywood-ka ugu caansan jiilkii hore, kuwa dhexe iyo kuwo xiligan casriga fanka saameyn ku leh ayadoo qof walbo u mahad celisay.

Lata waxay fanka kusoo jirtay mudo dheer sidoo kalena kumanaan heeso ah ayay qaaday asigoo ku qaaday heesaha in ka badan 36-luqadood gudaha Hindiya ugu caansan sedex jeer ayay National Film Awards ku guuleesatay halka 4-jeer ay ku guuleesatay abaal marinta Filmfare Awards. Waxaan u rajeneynaa soo kabasho deg deg ah Lata Mangeshkar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here