Bollywood Mr.Prfectionist Aamir Khan ayaa bogaadin iyo ammaan usoo jeediyay Bollywood Hit Machine Akshay Kumar iyo filimkiisa Laxmmi Bomb kadib markuu Aamir daawaday goos gooska filimkaan ayuu aad ula riyaaqay sida wacan ee Kumar u jilay doorkaas dhibka badan.

Aamir waxuu yiri isagoo amaanayo shaqada wacan ee Kumar,”hambalyo saaxiib Akshay  waxaan daawaday goos gooska Laxmmi Bomb inaba caadi ma ahan waxaan la dhacay sida wacan aad u sameysay dhamaan adiga iyo kooxda filimka guul baan idiin rajeynayaa.”

Akshay Kumar ayaa usoo jawaabay Aamir waxuuna yiri,”aad iyo aad baa u mahadsantahay saaxiib Aamir waad igarab istaagtay waana I dhiiro gelisay mana ilaawi doono midaas waan kaaga mahadcelinaa”Akki waxuu sidaa yiri xili filimkiisa xumaan badan la kulmay oo dad badan kahor imaadeen.

Mashruuca Laxmmi Bomb waxaa la daawan doonaa 9 November qaab Online ah ayaana loo daawan doonaa waxaana Akki la hogaamineyso Kiara Advani oo maalmahanba xayeysiintiisa ayee ku mashquulsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here