Layaab; dowladaani wax caruur ah ma dhalin mana lahan sidee ku dhisantahay tolow kuna jirtaa?

0
520

Waligaa maku fikirtay aduunkaan iney jirto dowlad aan wax caruur ah lahey?

Hadaba jawaabtu waa haa waana dowlada Vatican sidoo kalana ah dowlada aduunka ugu badka yar waxaana badkeeda lagu sheegay 0.44km kaliya waana wax aan dhameyn nus kiiloo mitir halka dadka ku noolna ay yihiin 940 qof.

Dowlada Vatican ma ahan dowlada ugu badka yar kaliya sidoo kalana waa dowlada ugu dadka yar waxayna ku taalaa caasimada wadanka Talyaaniga ee Roma dhexdeeda iyadoona leh xuduud darbi lagu wareejiyay.

Dowladaani wax caruur ah ma lahan mana dhalin maadaama dadka meesha ku nool sida la sheegay yihiin wadaado masiixiyiin ah kuwaasoo guurka iska xarimay sidaas owgeed wax caruur ah kuma arkeysid meesha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here