Kiiska dacwada ee u dhaxeeyo Johnny Depp iyo xaaskiisa Amber Heard wuxuu soo bilowday 2015tii markiii ay Amber maxkamada ku dacweysay Johnny Depp iyadoo ku eedeysay inuu jirdilay.

Johnny wuu iska fogeeyay eedeymaha Amber Heard asigoona ku eedeeyay in Mike Up dhaawac ah marsatay kadibna sawiro iska qaatay si ay maxkamada u marin habaabiso isla markaasna uusan asiga marnaba wax dhaawac ah u geysan.

2017dii ayay maxkamada si rasmi u kala furtay Johhny Depp iyo Amber Heard balse Johnny ayaa dalbaday magdhow 50 Million dolar ah maadaama mudadii uu kiiskaan socday sumcad xumo usoo jiiday sidoo kalana mashaariic muhiim ah dhaafeen.

Balse dhawaan ayay shabakada Daily Mail soo bandhigtay codka Johnny depp iyo Amber Heard arinta layaabka lehna waxay tahay in qofka wax dilay ay tahay Amber Heard ayadoona dhaawac u geysanayso Johnny waxaana sidoo kale codka lagugu maqalsiinaa Amber heard oo si cad u sheegeyso ineysan is xakameyn karin markii ay xanaaqdo.

Arintaan ayaa dhinac kale u rogi doonto kiiska Johnny Depp iyo Amber Heard oo wali socdo waxaana haatan cadaatay in rug cadaaga Hollywoodka uu saxsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here