Megastar Salman Khan waxaa waligiis lagu tilmaami jiray shaqsiyaadka ugu qalbiga wanaagsan uguna naxariista badan shirkada Bollywoodka balse saas eetahay waxaa jiraan eedeymo iyo falal badan oo jilaagan lagu heysto xiliyo kala duwan sida dad uu la dagaalay, dad uu shaqada Bollywoodka kasaaray iyo waxyaabo kale haba ugu dambeyo in masuul looga dhigay geerida Sushant Singh.

Balse saas eetahay ilaa hada wax cadeyn cad oo sheegaya inuu ku lug lahaa ama masuul ka yahau geerida Sushant majiraan waase la ogaan doonaa haduu ku lug lahaana markaas ciqaabtiisa ayuu mari doonaa kahor inta aan la gaarin arinkaas Salman talaabo cusub ayuu qaaday uu dad horleh ku kasbaday.

Xidigaan ayaa shalay gelinkii dambe qoraal baraha bulshada soo dhigay oo nuxurkiisa ahaa tacsi, codsi iyo cafis run ahaantiina waa geesi ku dayasho mudan sababto ah ma sahlano xiligaan jilaa eedeysane ah inuu dadka dhexdooda kasoo hadlo isagoo qiiro iyo walaalnimo muujinayaa dadkana baaq udiraayo waxaa wali aamusan eedeysanaha ugu weyn kiiskan ee Karan Johar iyo shaqsiyaad kale.

Salman maxuu yiri oo lagu ammaanay:

“Waxaan taageerayaasheyda ka codsanaa inee garab istaagaan taageerayaasha Sushant Singh misane joojiyaan u jawaabista markee wax xun sheegaan taageerayaashaas kale ee careysan waxaan kaloo ka codsanaa taageerayaasha Sushant inee buuqa joojiyaan iyo xumaanta waqtigaan waa waqtigii la isgarab istaagi lahaa ma ahan xiligii dhexdeena isdagaali laheen.”

“Fadlan aan murugada la qeybsano qoyska uu ka tagay Sushant ee u baahan garabka fadlan taageerayaasheyda ha udulqaateen xanaaqa iyo ficilada taageerayaasha Sushant waayo waxaa ka tagay atoore ay taageeraan halis cafiyo dhanwalba.”

Taageerayaasha Sallu ee Die-Hard-Fan loo yaqaan ayaa aad ula qiiroodeyn arinkaan deg deg ayeena dalabkiisa ku qaateen sido kale qaar kamid ah taageerayaasha sushant ayaa kuqanceen hadalka Sallu inkastoo ay jiraan kuwa wali u careysan kiiska Sushant baaritaan ayaa wali kusocdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here