Bilawgii bishii Janaayo ee sanadkaan 2020 waxaa barnaamijka Dance 5 lagu casuumay halyeeyda kala ah Sunny Deol iyo Suniel Shetty waxaana barnaamijka daadihiye ka ahaa Dance-yaqaanka caanka ah Remo Dsouza.

Barnaamijka siweyn ayaa loogu maamusay xidigahan waxaana goobta laga qaaday heesahoodii ugu caansana xiligii dahabiga 90-maadkii kadib Remo ayaa isago la hadlaayo labadan atoore yiri.

“Waligey taageero buuxo ayaan idiin ahaa labadiina waxaana xusid mudan in qolkeyga ay kabuuxi jireen kaaetooyinka Filimadiina jaceyl aan idiin qabo aawgii caawana sharaf ayee iitahay inaad barnaamijkan igala qeyb qaadaneysaan.”

“Maamuus gaar ah ayaan idiin sameeyay caawa oo dhalinyaradeyda ayaa halkaan ka qaadayaan heesihiina kuwa ugu caansan waxaana idinka codsana inaas la ciyaartaan” kadib Sunny Deol ayaa hadalka qaatay misanw yiri.

“Aniga waxaan qirsanahay in Suniel Shetty ahaa atoorihii heesaha ugu caansan sameeyay 90-maadkii” Action Hero Sunny Deol ayaa boqolaal dad ah hortooda misanw Suniel goobta joogo sidaas yiri.

Hadaba sharaxaad yar aan ka bixino hadalka Sunny Deol ee muranka abuuri kara:

Heesaha labo qeyb ayaa loo kala saara guushooda iyo caannimadooda heeso dhameestiran oo Album dhan iswato ah iyo heeso kali kali ah ama Single ah kuwa uu Sunny ka hadlaayey waa heesaha Suniel sameeyay ee Single-ka ah kuwaaso noqdeen Famous Songs caruur iyo ciroolana wada qaadi jireen.

Balse heesaha Album iswato marka ladhaho Suniel marnaba ma gaari karo xidigaha 90-kii lasoo xamaashteen sida Ajay Devgn, Akshay Kumar, SRK, Salman, Aamir, Govinda iyo kuwa kale oo heeso jaceyl caan ah sameyeen Album iswato ah.

1 COMMENT

  1. Ajay devgn ma laha heeso wanaagsan, mana jaaso Markaa maxay noqonaysaa heesaha wanaagsan ee uu qaaday, Ma nala wadaagi kartaan hal album oo Ajay leeyahay oo fiican

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here