Home » Bollywood News » Liiska 15ka jillaa ee ugu taajirsan adduunka sannadkaan 2017ka oo lasoo saaray – Bollywood laba jillaa ayey ku leeyihiin

Liiska 15ka jillaa ee ugu taajirsan adduunka sannadkaan 2017ka oo lasoo saaray – Bollywood laba jillaa ayey ku leeyihiin

Liiska 15ka jillaa ee ugu taajirsan adduunka ayaa lasoo bandhigay iyadoo aan ku jirno dabayaaqada sannadka 2017ka.

Bollywood-ka India ayaana yeeshay laba jillaa liiskaan. Inkastoo inta badan ay heystaan jillaayaal kasoo jeeda Mareykanka kuwaasoo u shaqeeya shirkadda Hollywood-ka.

Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan ayey Bollywood ku leeyihiin liiskaan, SRK ayaana kaalinta 2aad uga jira liiskaan waana jillaaga labaad ee adduunka ugu taajirsan, isagoo heysta 600 milyan oo dollars, wuxuuna ka dambeeyaa ninka kaalinta koowaad Jerry Seinfeld.

Amitabh Bachchan ayaana kaalinta 6aad ka fadhiya isagoo heysta hanta lagu qiyaasay 400 milyan oo dollars.

HALKAAN KA AKHRISO LIISKA OO DHAMMEYSTIRAN (Shaqsiga ugu hooseeya ayaa ugu lacag badan).

Leonardo Dicaprio (USA) $240 milyan oo dollars

Will Smith (USA) $250 milyan oo dollars

Arnold Schwarzenegger (USA) $300 milyan oo dollars

Adam Sandler (USA) $340 milyan oo dollars

Clint Eastwood (USA) $375 milyan oo dollars

Tom Hanks (USA) $390 milyan oo dollars

Jackie Chan (Hong Kong) $395 milyan oo dollars

Sylvester Stallone (USA) $400 milyan oo dollars

Amitabh Bachchan (India) $400 milyan oo dollars

Jack Nicholson (USA) $400 milyan oo dollars

Mel Gibson (USA) $425 milyan oo dollars

George Clooney (USA) $500 milyan oo dollars

Tom Cruise (USA) $550 milyan oo dollars

Shahrukh Khan (India) $600 milyan oo dollars

Jerry Seinfeld (USA) $870 milyan oo dollars

5 Responses to Liiska 15ka jillaa ee ugu taajirsan adduunka sannadkaan 2017ka oo lasoo saaray – Bollywood laba jillaa ayey ku leeyihiin

  1. Abdulkadir Aftaab

    November 16, 2017 at 9:01 am

    2014-2015-2016. 2017 600,000,000 miyuu marayaaa filmside iga soo jahil bixiya halka aktarada kale xisaabtoosa min halsano isku badasahy why srk xisabtiisa aysan isu badalin maxaaa qaldan sanad walbaana lacago way soo galaaan oo faaida ah hadana lama sheego srk 600 oo milyan kaliyan arkaaa why marka ??

    • Zakarie Abdi

      November 16, 2017 at 9:56 am

      Walaal warbixin walbo waxaa lagu dabaqaa xogta jilaaga soo bandhigo ee ku saabsan daqliga soo galay iyo midka ka baxay sidaa darteed SRK warbixinada dhankiisa laga soo xigto marwalbo waxaa lagu xaqiijiyaa in hantidiisa $600M tahay, sababta lama fahmi karo balse nidaamka canshuuraadka Hindiya ayaa dad badan oo caan ah dabagal ku hayaan SRK qayb ayuu ka yahay xitaa marka gudaha Hindiya laga hadlaayo daqliga 12-ka bilood jilaayaasha soo galo iyo canshuuraadka ay bixiyaan inta kale dowlada wey baahisaa laakiin SRK arimhahiisa gaarka ah lama baahiyo arimo amaan ama arimo kale labaad mid ayaa loo qarinaa lamana shaacin sababta.
      Sidaa darteed xogtiisa aan isbadalka laheyn ayaa la qaataa sida isaga xafiiskiisa laga soo xigto.

  2. Aamina Ahmed

    November 16, 2017 at 10:00 am

    Aniga waxan codsan lahaa actorada bollywoodka iyo sidey u kala tarjirsanyihin inaad nosoo gudbisaan adinkoo mahadsan

  3. u cali

    November 16, 2017 at 12:58 pm

    aawey ku wii kale e pllywood ka ahayey

  4. Da_zilva

    November 19, 2017 at 10:58 pm

    Srk waa waa 650 million weeyan bartaa inaga saxa