Warbixintaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa liiska sagaal atariisho oo caan ka ah Bollywood Film Industry kuwaasoo sigaarka dhuuqa isla markaana khamriga caba marka laga hadlayo noloshooda dhabta ah.

Halkaan hoose ayaadna ka akhrisan kartaa warbixintaan oo dhammeystiran – waana ka cudur daaraneynaa in aanan heyn sawirrada atariishooyinkaan maadaama caddeyntoodu ay naadir tahay. Waana qeybta labaad.


#6 JAYA BACHCHAN

Waa ay kaa yaabin doontaa inaad liiskaan ku aragto oo seygeeda iyo wiilkeeduba aysan isticmaalin balwadda. Laakiin atariishadaan halyeeyada ah ayaa sheegtay in aysan noolaan karin la’aanta aalkolada, xitaa warbaahinta kalama xishooto.

#7 SILK SMITA

1980meeyadii waxaa atariishadaan u shidnaa Bollywood, sidaas darteed dhalada khamriga ah iskama fogeyn jirin – xilli dambe waxaa la xaqiijiyey inay musallaftay.

#8 RAKHEE GULZAR

Isticmaalka aalkolada ayey bilowday 70 sanno jirtaani markii uu seygeedu khiyaanay, wixii intaas ka dambeeyeyna rukun ayey ka dhigtay.

#9 MEENA KUMARI

Iyadoo 39 sanno jir ah ayey dhimatay, boqoraddii Bollywood. Waxaana sababta dhimashadeeda lagu eedeeyey isticmaalka balwadda sida sigaarka iyo khamriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here