Liverpool oo qarka u saaran iney barbareyso rikoorkii ugu xumaa ay dhigto koox UCL wadato.

0
541

Kooxda ku guuleysatay Uefa Champions League ayaa isku diyaarineyso in kulan nolol iyo geeri la cayaarto kooxda Red Bull kulankii ugu dambeeyay kulamada Groupyada.

Inkastoo Liverpool ay hogaanka u heyso groupkooda ayagoo leh 10 dhibcood hase yeeshee hogaamiyayaasha EPL ayay macquul tahay in ay isaga soo haraan tartankaan UCL isla markaasna tartanka UEL loo gudbiyo waase hadii guuldaro kala kulmaan kooxda Red Bull.

Guul darada Liverpool oo lagu kabay guusha Napoli waxay la micno noqonee in kooxda reer Italy kaalin koowaad kaga soo baxaan Groupkooda iyo Red Bull oo 10 dhibcood la yeelato Liverpool balse kaalinta labaad kusoo bixi doonto.

Sababtuna waxay tahay in kooxda Red Bull ay ka goolal badantahay kooxda Liverpool sidoo kalana kaga fiicnaaneyso kulamada ay iska hor imaadeen balse hadii ay Liverpool badiso waxay ka dhigantahay in kaalinta koowaad toos 13 dhibcood ugu soo baxaan.

Tartankaan tan iyo sidii loo bilaabay kooxdii ugu xumeyd ee difaacato waxay aheyd kooxda Chelsea taasoo sanadkii 2012dii ku guuleysatay kadib markii ay Fianlkii rigoore kaga qaadeen kooxda Bayern Munchen balse haatan rikoorkaas waxaa barbareyn rabto kooxda Liverpool waase hadii Red Bull iyo Napoli guulo gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here