Liverpool oo xashka laga dhuuqay kadib markii 2-0 ku dardartay kooxda Napoli.

0
280

Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa 2-0 uga badisay dhigeeda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka San Paolo waxaana goolasha u kala dhaliyay  Mertens iyo Llorente.

Liverpool ayaa u safartay magaalada Naples iyadoo maanka ku heysay kulanka adag ee lagu wado axada iney booqdaan kooxda Chelsea oo ka tirsan EPL waxayna kulankaan kusoo shir tagtay shax aad u xoogan balse Napoli qudheeeda shax adag ayay Liverpool ku wajahday.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro 0-0 kadib markii laba kooxba wax gool iska dhalin waayeen balse qeybta labaad ayay kooxda Napoli la timid labo gool  sidaasna ugu awood sheegatay Liverpool.

Labada Goal ee Napoli dhalisay ayaa ku yimid khaladaad difaaceed ay sameysay kooxda Liverpool iyadoo goolka koowaad uu ahaa Rigoore halka goolka labaadna uu dhiibtay Virgil van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here