Waa wax aad u sahlan inaad Bollywood-ka ku aragto atariishooyin aad usoo jiidasho badan, oo qurux loo dhammeeyey – laakiin sida ay wax walba u qurxan yihiin marka ay sameynayaan filim jaceyl ah, uma qurux badna noloshooda dhabta ah.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa 6 atariisho kuwaasoo aan guurka u arkin wax muhiim u ah nolosha, ku daahay iskaabulonimada, ama dhowr jeer lasoo furay. Waana qeybta labaad.

AMEESHA PATEL

43 sanno jirtaan Ameesha xiriir muran ka dhashay ayey la yeelatay Director Vikram Bhatt, marnaba xiriirkaasi ma noqon mid guuleystay.

Sidoo kale Ameesha ayaa dhowr jeer lagu xantay inay xiriir la leedahay xiddigo ay aflaan la sameysay ama rag ganacsato ah, laakiin illaa haatan waa iskaabulo.

NARGIS FAKHRI

The Rockstar Actress inay tahay boqoradda soo jiidashada shaki kuma jiro, laakiin Nargis waa ay ka miro dhalin weysay nolosha dhabta ah, waxaana muddo dheer lagu xamanayey inay shukaansato Uday Chopra. Balse illaa haatan waa 40 sanno jir calafkeeda raadineysa.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here