Waa wax aad u sahlan inaad Bollywood-ka ku aragto atariishooyin aad usoo jiidasho badan, oo qurux loo dhammeeyey – laakiin sida ay wax walba u qurxan yihiin marka ay sameynayaan filim jaceyl ah, uma qurux badna noloshooda dhabta ah.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa 6 atariisho kuwaasoo aan guurka u arkin wax muhiim u ah nolosha, ku daahay iskaabulonimada, ama dhowr jeer lasoo furay. Waana qeybta koowaad.

ASHA PAREKH

The Yesteryear Queen Of Bollywood marnaba ma aysan helin wiil ku habboon oo nolosha la qeybsada. Kasoo biloow Shammi Kapoor, Shashi Kapoor, Dev Anand ku keen Sunil Dutt, Rajesh Khanna iyo Dharmendra.

Asha ayaa la shaqeysay dhammaan atooreyaashii ugu weynaa waqtigeedii. Laakiin wareysi lala yeeshay ayey daaha uga qaaday inay aragtay rag badan oo iyada jecel balse aysan iyadu ku dhiiran karin inay guursato.

Hadda waa 75 sanno jir, waxaana lagu xantaa inay guursatay Director Nasir Hussain, inkastoo marnaba aysan aqal gelin sidoo kalena ay labadooduba aysan saxaafadda u xaqiijin.

TABU

Waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu quruxda iyo soo jiidashada badan Bollywood, sidoo kale waxay awood u leedahay inay doorar badan kasoo baxdo.

Laakiin marka la joogo nolosha dhabta ah 46 sanno jirtaan Tabu ayaan illaa haatan guursan, inkastoo dhowr jeer lagu xantay jillaayaal ay aflaan la sameysay.

SUSHMITA SEN

Inay qurxan tahay laba isweydiin meyso, waana gabar kusoo guuleysatay abaalmarinta Miss Universe, laakiin dhanka xiriirka jaceyl ayey ku liidataa.

Laba gabdhood oo ay iyadu korsatay ayey la nooshahay, waana Renee Sen iyo Alisah Sen oo ay soo kala qaadatay 2000 iyo 2010kii. 41 sanno jirtaan ayaa dhowr jeer xiriir sameysatay. Laakiin weli waa iskaabulo.

Ka akhriste ahaan atariishadee ayaad kusoo dari laheyd liiskaan – anigoo ah qoraaga maqaalkaan waxaan kusoo dari lahaa Shamita Shetty, oo la dhalatay Shilpa Shetty, waana 40 sanno jir qurux aad usoo jiidasho badan, balse nasiibka guurku uu ku adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here