Mega Star Rajinikanth filimkiisa Darbar ayaa dhulweynaha Tamilka iska heysto asigoona haatan mudo 11 maalmood kusoo xareeyay 140 crore.

Darbar ayaa todobaadkiisii koowaad mudo 8 maalmood ku keenay 120.20 crore halka jimcadii uu keenay 7.20 crore waxaa ugu xigtay sabtidii oo uu keenay 6.70 crore iyo shalay oo uu soo xareeyay 5.90 crore taasoo wadarta guud ee lacagaha filimkaan ka dhigeyso 140 crore.

Arinta xusid mudan ayaa waxay tahay in filimkaan daafaha caalamka siweyn uga gadmaayo maadaama isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka uu filimkaan sii maraay 221 crore taasoo ka dhigayn in 81 crore daafaha caalamka kasoo xareeyay mudo 11 maalmood.

Darbar ganacsi ahaan wuu ka horeeyaa filimada Telaguga ah ee Sarileru Neekevvaru iyo Ala Vaikunthapurramuloo oo ay kala wataan Mahesh Babu iyo Allu Arjun inkastoo maalmo uu sidoo kalana ka horeeyo.

Dagaalka Box Officeka filimadaan ku dhex maraayo oo mid xiiso leh ah ayaan ugu dambeyn arki doonaa cidii guusha raacdo misno lacagaha ugu badan koonfur soo xareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here