Filimka Tanhaji ayaa wacdari aan horay loo arag ka sameynaayo Box Officeka asigoona shalay oo jimcadiisii 3aad aheyd ganacsi cajiib ah sameeyay.

Balse maanta oo sabti ah ayuuba filimkaan kasii daray maadaama uu subaxaan ku furmay 42% bilaabasho ah waana arin layaab leh in filim sabtidiisii 3aad tiyaatarka sidaan ku furmo.

Waxaa muuqato in Tanhaji uu fasaxa qaran ee maanta India ma jiro siweyn uga faa’ideysan doono isla markaasna qiyaas ahaan keeni doono lacago u dhaxeeyo 10 crore ilaa 11 crore waana arin mucjiso ah.

Shabakada Box Office India ayaa si rasmi maanta u xaqiijisay in Tanhaji uu Box Officeka ka noqon doono Blockbuster weyn isla markaasna noqon doono Ajay Devgan filimkiisa ugu weyn.

Sidoo kale isla maanta ayuu Tanhaji noqon doonaa Ajay filimkiisa lacagaha ugu badan usoo xareeyay asigoona dhaafi doono ganacsiga filimka Golmaal Again oo 2017dii soo xareeyay 205 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here