Looma dhawaan karo Taxanaha Kurulus Osman iyo wacdaraha uu dhigaayo.

0
1022

Taxanaha Kurulus Osman oo uu hogaamiyaha kayahay jilaaga weyn ee Burak Ozcivit ayaa dar dar cusub ku furmay Seasonkiisii labaad.

Taxanahaan oo Season 1 si weyn loola socday ayaana fasaxa markii laga soo laabtau Season 2 markale si heer sare ku furmay labadii xalqo ee laga soo bandhigay.

Inta badan taxanayaasha Seasonkii hore socday sida Mucize Doktor, Safirim Kizi iyo Cukur ayaa hoos u dhac sameeyeen waana arin ay ka sinaayeen inta badan taxanayaasha Turkiga bacdamaa caalamka Covid19 ka dilaacay.

Balse Kurulus Osman ma uusan sameynin hoos u dhac lamid ah midka ay sameeyeen taxanayaasha kale, markii uu soo laabtayna wuxuu cagta mariyay taxanayaasha Arbacada (Habeen Khamiis) soo galaan asigoona meel cidla ah uga tagay maadaama Ratinkiisa uu gaaray 10 Rtg.

Taxanaha Mucize Doktor oo Seasonkii hore hardan dhanka Ratinka uu kala dhaxeeyay Kurulus Osman ayaana u dhaxeeyay 17 Rtg ilaa 13 Rtg, balse Season 2 ayuu si weyn hoos ugu dhacay maadaama haatan Ratinkiisa yahay kaliya 7 Rtg.

Halka Kurulus Osman uu ahaa mid u dhaxeeyay 17 Rtg ilaa 12 Rtg balse haatan uu yahay 10 Rtg taasoo kuu muujineyso sida uu isku celiyay Seasonkiisa 2aad.

Taxanayaasha dhulka galay waxaa kamid ah Taxanaha Hercai oo kasoo kacay 19 Rtg balse haatan ah 3 Rtg ilaa 4 Rtg, hadii uu sidaan ku socdana ay ka dhignaan doonto in dhowr xalqo kadib la joojin doono.

Taxanaha Kurulus Osman ayaa wuxuu ka hadlayaa taariikh nololeedkii aasaasihii Khilaafadii Cuthmaaniyiinta ee Cuthman Bin Ardagli waana khilaafadii ugu waqtiga dheereyd dowladihii islaamka taasoona caalamka xukumeysay in kabada Lix qarni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here