Waxaa maalinta berito ah 14 Febraayo masraxa qabsan doono filimka dhalinta loogu tala galay Love Aaj Kal ee hadal heyntiisa sareyso waxaana hogaamiyaal ka ah labada la isku xanto Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan oo xiligan lagu tilmaamo dhalinta mustaqbalka hogaanka Bollywood-ka safka hore kasoo gali doonaan.

Haddaba daawashada filimka Love Aaj Kal waxaa lagu soo beegay maalinta jaceylka taasi oo ka dhigan filimkan maalintiisa kowaad ganacsi ahaan xisaabta labo godlaha inuu gaari doono ama 10 Crore iyo ka badan keeni doono madaama berito gelinka dambe magaalooyinka waa weyn Hindiya fasaxa ka jiri doonaan.

Filimka Love Aaj Kal waxaa Director ka ah Imtiaz Ali sidoo kalena gabadha fanka ku cusub Aarushi Sharma iyo atooraha door kasto sameyn karo Randeep Hooda ayaa doorar muhiim ah ku leh waxaana si hordhac ah loo ogaaday in ku dhawaad 2700 ilaa 3000 oo tiyaatar berito la saari doono taasina waxay ka caawin doontaa qiyaas ahaan maalintiisa kowaad inuu keeno 10 Crore ilaa 12 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana bilaabasho heer sare ah.

Kartik Aaryan waqti dahabi ah ayuu bartanka kaga jiraa madaama sedexdiisa filim ugu dambeeyeen Sonu Ke Titu Ki Sweety, Luka Chuppi iyo Pati Patni aur Woh HIT dhameestiran noqdeen balse midna uma suura galin maalinta kowaad darajada 10 Crore inuu gaaro sidaa darteed Love Aaj Kal haddii berito 10 Crore ku bilaawdo wiilkan aqoonsi wacan oo awooda dhanka Boxoffice-ka atoorayaasha ayuu heli doonaa asigoo noqon doono Mini Star ama Xidig Yar wuxuuna ku heer noqonaa Shahid Kapoor & John Abraham.

Dhinaca kale Sara Ali Khan labadeedii filim ugu horeeyeen Kadernath iyo Simmba waa kuwo guuleesteen weliba Simmba Blockbuster weyn ayuu noqday inkastoo door awood badan filimkaas ku laheyn balse Love Aaj Kal ayay u baahan tahay inuu bilaabasho adag la imaado guul weyna gaaro madaama filimkan libintiisa 50% guul walbo uu gaaro iyada qaadan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here