Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan filimkooda Love Aaj Kal ayaa bilaabasho wanaagsan la yimid maalintiisa kowaad subaxdii hore wuxuuna ku furmay 20% ilaa 25% sida ay soo daabacday shabakada BOI wuxuuna la mid yahay dhanka bilaabasho ahaan filimkii Tanhaji oo ahaa mashruuca ugu bilaabashada wanaagsanaa sanadkan 2020.

Filimka Love Aaj Kal wuxuu ku wanaagsan yahay magaalooyinka Hindiya ugu waa weyn asigo bilaabasho heer sare ah ka sameeyay waxaana ugu wacan madaama maanta tahay maalinta jaceylka aduunka oo magaalooyinka waa weyn fasaxyo kooban ka jiraan waxayna heestaan dhalinta fursad wacan oo ay filimkan ku daawadaan.

Shabakada BOI waxay sadaalineysaa in Love Aaj Kal noqon doono Kartik Aaryan filimkiisa ugu bilaabashada wanaagsan oo darajada 10 Crore ka talaabi doono madaama gelinka dambe sare u kac sii sameyn doono filimkan, madaama xiliga duhurka Hindiya uu meel wanaagsan maraayo mashruucan.

Waxaana la fiirin doonaa ganacsigiisa maalinta kowaad wixii ka dambeeyo sida daawadayaasha usoo dhaweyn doonaan ayadoo mashruucan lagu beegay waqtigii ku haboonaa wuxuuna heestaa sedex maalmood oo uu si heer sare ah u gadmi karo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Love Aaj Kal iyo qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn sida u subaxdii hore kaga furmay iyo xiliga duhurka Hindiya halka uu maraayo iyo sidoo kale tiyaatarada laga daawanayo magaalo kasto:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here