Kartik Aryan iyo Sara Ali Khan Filimkooda Love Aaj Kal ayaa ganacsi ahaan sii bur buray talaadadiisa kowaad waliba 10% ayuu hoos usii dhacay marka lala bar bardhigo isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Mashruucan mudo 5 maalmood ah waxuu ku keenay 29 Crore waana fashil aad u weyn waxaa laga rabay lacagaha 2-maalmood u horeysa ilaa seddexda maalmood u horeysa inuu keeno, shaki kuma jiro in Love Aaj Kal Disaster yahay.

Todobaadkiisa kowaad waxuu keeni doonaa qiyaas ahaan 32 Crore sido kalena todobaadka labaad tiyaataro badan ma heli doono oo waxaaba macquul ah in si deg deg tiyaatarada looga dajiyo sido kale todobaadka seddexaadna mashaariic waaweyn ayaa la sugayaa.

Director Imtiaz Ali fashil weyn ayaa kudhacayaan Filimadiisa markii hore Jab Harry Met Sejal ayuu ahaa oo guuldarestay waxuuna cimri ahaan keenay 62 Crore hader shabakada BOI waxay leedahay wax lala yaabo ma ahan Love Aaj Kal cimri ahaantiisa lacagaha uu keeni doono.

Sababto ah Jab Harry Met Sejal oo uu hogaamiye ka ahaa Shah Rukh Khan ayaa 62 Crore keenay maxaad ka filan kartaa Love Aaj Kal oo ay hogaamiyaal ka yihiin atoore iyo atiriisho hader xidignimo baadi goobayaan labada Filim si iskumid ah ayee u fashilmeen waliba Love Aaj Kal bur bur taariikhi ayaa kudhacay.

Shalay oo talaado ahed waxuu keenay 1.75 Crore halka isniintii uu keenay 2 Crore mudo 5 maalmood ahna waxuu marayaa 29 Crore (Trade Figure).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here