sanadkii 2000 Bollywood-Ka waxaa usoo baxay dahab cid kale maaha ee waa Hrithik Roshan kaaso sanadkaas kusoo caan baxay filimkii Ka Hoona Pyaar Hai ka dib markaas aktarkan waxa uu galay cirka isagoo hantay dhawr jeer abaal-marinta Filmfare best actor

laakiin dhawaanahan aktarkan waxaa mooda calankiisa inuu yara dhacay ka dib markii uu isku darsaday Flop iyo filim yar taaso ku qasabtay inuu sameeyo hoos u dhac dhanka Superstar-nimada waxaana ka hor-marayn aktaro gadaashiisa soo baxayn sida Ranbir Kapoor , Ranveer Singh Iyo Varun Dhawan

taaso jirta ayaa aktarkan weli waxaa la tusaya inuu yahay aktar awood badan kaaso awoodi kara inuu sameeyo soo laabasho cajiib ah maadamaa filimka War kaaso dhawaan goos-gooskiisa lasoo bandhigay sidoo kalena  uu la jilaayo aktarka Tiger Shroff uu ku qaadan doono lacago aysan ku haminin aktarada kale marka laga reebo Sadexda Khans

shirkada Yash Raj films siin doonta lacago gaaraya 48 crore ($6.95m) kaaso uu ku qaadan doono filimka ay isla jilayaan aktarka Tiger Shroff halka uu Director ka yahay ninka lagu magacaabo Siddharth Anand’s waana filim Action iyo jaceyl ah kaaso ay ku xifaaltami doonan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here