Inta badan filimada iyo taxanayaasha kahor intaan la duubin waxaa lala wadaagaa qaar kamid ah jilayaasha kuwaasoo dooqa koowaad ah balse qaarkood ayaa taxanayaashaas iska diidaan jilistiisa.

Diidmadooda ayaa arimo badan salka ku heysaa waxaana dhacdo in doorarka loosoo bandhigo jilayaashaas qaarkood aysan ka helin kadibna iska diidaan balse doorkaas markii shaashadaha la saaro siweyn looga helo guulo waaweyna gaaraan.

Hadaba waa tuma atariishada magaca leh ee iska diiday doorka weyn ee taxanaha Hercai kusoo bandhigtay atariishada dhalinta yar ee Ebru Sahin kaasoo si wadajir loo amaanay??

Qof kale ma ahan waa atariishada Neslihan Atagul (Nehan) taasoo haatan atariisho ka ah taxanaha Sefirin Kizi.

Hadaba akhristow adiga sidee u aragtaa in Neslihan diido Hercai misna aqbasho Sefirin Kizi maku saxantahay mise wey ku qaldantahay fikirkaaga nala wadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here