Seddexda Khans ee kala ah Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan waa atoorayaal 30 sano awood lahaayen iskoorada ugu badana sameyeen 30-kaas sano shaqsi walba oo Bollywood soo galo Ragg iyo Dumarba waxay ku hamiyaan inee mar uun shaashada kala soo muuqdeen seddexdaan atoore ee aan loo dhowaan karin maqaamkooda.

10 jeer kala duwan waxaa dhacday in atiriishooyinka Bollywoodka iska diideen filimo ay kala soo muuqan lahaayen seddexdaan atoore diidmada atiriishooyinkas marna duruuf ayaa u geysay oo ay ku diideen marna madax adeegooda iyo kaskooda ayee ku diideen.

Hadaba aan isla ogaano 10-ka jeer Khans-ka la shaqeyntooda la iska diiday una gaar ah atiriishooyinka kaliya hoos kaga bogo maqaalkan aan soo diyaarinay Qeybtii 2-aad.

6-Kajol: xidigtaan waxaa loo bandhigau doorka Pia ee filimka 3 Idiots balse balse Kajol waxay ogaatay in doorkas u qalmin aadna uu u yaryahay weyna iska diiday Aamir Khan Filimkiisa waxay rabtay door sida Filimka Fanaa oo kale ay shaashada kaga saameyn badnaato markii ay diiday Kareena Kapoor ayaa qaadatay inkastoo doorka yaraa hadana mod cajiib ah ayee ka dhigtay.

7-Amy Jackson: adoo maqaam ka raadinaaya markaa Khans-ka filimadooda diido xaalkaa kugu xumaada Amy waxaa loo bandhigay filimka Kick ee Blockbuster-ka noqday inee atiriisho ka noqoto weysa iska diiday iyadoo tiri doorka hala weyneyo hadana waxaa loo bandhigay Parineeti Chopra iyo Vidya Balan iyagana wey diideen ugu dambeyn Jackqueline Fernandez ayaa orod ku qaadatay.

8-Amrita Rao: Salman Khan Filimkiisa Prem Rathan Dhan Payo doorka walaashiis qaado ayaa ladhahay atiriishadan balse waxay si cad kutiri aniga Sallu gacalisadiisa ayaa rabaa inaa shaashada kujilo ee walaashiis ma rabo doorkii ay diiday waxaa qaadatay Swara Bhaskar mid Classic ahna ka dhigtay.

9-Kangana Ranaut: malala yaabayo diidmada atiriishadan ay iska diido seddexda Khans waayo wareysi ayee ku sheegtay ineysan rabin la shaqeyntooda sababtana waxay ku sheegtay inee shaashada atiriishooyinka ku dar daraan micnaha door fiican uma ogolaadan oo iyaga wixii dhan qaadanaayo ayee leedahay atiriishadan.

Sultan inee atiriisho ka noqoto ayaa loo bandhigay waxayna tiri waxaas door ma ahan ee igala dul taga ama soo bedela waxaana booskeeda gashay Anushka Sharma oo atiriisho ka noqotay Filimka.

10-Deepika Padukone: waaba aririishada ugu badan ee iska diiday Salman Khan Filimadiisa dooqeeda maba ahan inee Salman shaashada kala soo muuqato waana si kutalo gal ah halka Aamir iyo iyada wali Filim loo soo bandhigay uusan jirin.

SRK wey la shaqeysay waaba atooraha ay taageerto Aamir-na walo Filimsameye isku keena oo filim usoo wada bandhiga ma dhicin balse Sallu filimadiisa qaar ayaa loo bandhigay weyna diiday waxaana kamid ah Jai Ho, Sultan, Kick, Bajrang Bhaijaan iyo kuwa kale.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here