Jilaaga Bollywoodka Hrithik Roshan ayaa sanadkii hore u aheyd sanad cajiib ah kadib markii labadii filim ee uu kasoo muuqday midna Blockbuster u noqday midna Hit.

Hrithik oo calankiisa hawada sare maraayo ayaa 2019kii la yimid filimada War iyo Super 30 waxayna kala noqdeen Blockbuster iyo Hit wuxuuna jilaagaan qaadanayaa sanad cajiib ah asigoo waliba rajeynaayo in filimka Super 30 uu ugu tartamo abaal marino farabadan.

Hadaba Hrithik oo dhawaan bartiisa Twitterka soo dhigay muuqaal yar oo uu noloshiisa fanka kaga hadlaayo ayaa sheegay filimkii ugu adkaa ee uu abid jilo.

Hrithik ayaa filimka Main Prem ki Diwani Hoon u doortay filimkii ugu adkaa ee uu noloshiisa jilay wuxuuna yiri: “Haa siweyn ayaan ugu fashilmay filimkaas, waayo muuqaalada Main Prem ki Diwani Hoon la iga rabay inaan ku muujiyo waxay ahaayeen kuwa kala duwan dareen ahaan balse si kasta oo aan iskugu dayay inaan dareemahaas muujiyo waan ku guuleysan waayay”.

Waxaa xusid mudan in filimka Main Prem Ki Diwani Hoon uu soo baxay 2003dii waxaana Hrithik filimkaas qeyb kala ahaa Abhishek Bachchan iyo Kareena Kapoor asigoona Box Officeka ka noqday Flop.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here