Dhamaanteena wey naga qosliyeen Sanjay Dutt iyo Arshad Warsi bandhigooda shaashada ee aflaamta shactirada isla sameyeen yaaba ilaawi karo Munna Bhai. Inaba caadi ma aheyn sida ay u jileen mashruucan qeybtiisa labaadna kaba sii daran kadib waxay wada sameyeen taxanaha Dhamaal iyo aflaam kale hada isku diyaari Filim ka shactiro badan dhamaan aflaamtas oo ay soo wadaan.

Arshad Warsi ayaa wareysi shaaca kaga qaaday Filimkaan cusub ee aan wali magaca loo bixinin xog yar ku saabsan ayuu dadka la wadaagay, waxuu sheegay in Filimka shactiro dhameestiran yahay dadkana qosolka ka dhameeyn doono.

Sanjay Dutt Filimka waxuu kujilaa nin burcad ah oo tuug weyn laga cabsado ah balse camoole ah oo indhaha wax ka arki karin halka Arshad Warsi yahay gacan yarihiisa qaaska ah iyo waardiyihiisa qaaska ah kaaso indho u noqonaayo wax walbona ukala sheeg sheegayo.

Mida ugu daran ayaa ah cid ogaaneyso malahan sababta Sanjay camoole ku noqday iyo inuu camoole been ah iska dhigaayo Arshad ma ogaan karo dagaal iyo xifaaltan ayaana dhexmari doono nin iyo shaqaalihiisa dadkaba qosolka wuu ka dhamaan doonaa.

Filimkaan waxaa Director ka ah Sajid-Farhad duubistiisana April 2020 ayee bilaawane lamana oga xiliga sida rasmiga ah loo daawan doono iyo jilayaasha kale ee Filimka wax walbo dib ayaa laga shaacin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here