Home » Nolosha Jilaayaasha » Ma Ahan Salman Khan Qofka Uu Sooraj Pancholi Jirdhiska Kaga Deydo Ee Waa Sylvester Stallone

Ma Ahan Salman Khan Qofka Uu Sooraj Pancholi Jirdhiska Kaga Deydo Ee Waa Sylvester Stallone

Wiilka dhalinta yar Sooraj Pancholi ee uu aabo u yahay ruug cadaa Aditya Pancholi ayaa banaanka soo dhigay inuu taageero u yahay Hollywood Super Star Sylvester Stallone sidoo kalena uu dhanka jirdhiska kaga daydo.

Sooraj Pancholi sanadii 2015 waxaa soo caan bixiyay Salman Khan oo u maal galiyay filimkii Hero oo ay isla jileen Athiya Shetty.

Waxaa la islahaa Sooraj Pancholi wax walbo wuxuu kaga dayday macalinkiisa fanka kusoo daray Salman Khan laakiin wuxuu sheegay inuu dhanka jirdhiska kaga dayday Stallone.

Sooraj Pancholi wuxuu yiri “Anigoo 14-jir ah waxaan daawaday filimka Documentary-ga ah The Pumping Iron, kadiba jirkeyga waxaan isku dayi jiray sida Stallone oo kale inaan u dhiso ilaa hadana Stallone oo kale inaan isku diyaariyo ayaan jeclahay jir ahaan”

Sooraj Pancholi filimkiisa xiga ee aan magaca loo bixinin waa Action waxaana Director ka ah Faruk Kabir ayadoo duubistiisa dhawaan bilaaban doonto kadibna waxaa u xigi doono in sanadkaan dhamaadkiisa isaga iyo Ajay Devgn filim Action iyo Dance ah ka hawl gali doonaan.