Ma dhab baa in Imaaraatka si dhab ah ciidankooda ugala baxeen dalka Yaman?

0
295

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay la shaaciyay in Imaaraatka Carabta ay gabi ahaanba isaga baxeen gudaha Dalka Yaman, kadib fashilkii baahsanaa ee kasoo gaaray dagaaladii ay la galeen Xuutiyiinta, hadaba maxaa ka jira arinkaas?

Ma dhab-baa in Imaaraatka Ciidankooda kala baxeen Yaman sidoo kalana ay joojiyeen faragalinta siyaasadeed ee ay ku haayaan Dalkaas Yaman?

Sarkaal sare Yaman ah ayaa beeniyay jimcadii shalay aheyd wararka sheegayo in Imaaraadku uu soo gabagabeeyay joogitaankiisii ​​militari ee dalka Yaman, isagoo sidoo kale Imaaraatka u sheegay inay joojiyaan hubeynta maleeshiyada koonfurta Yaman ka dagaalama taas badalkeedana ay taageeraan dowladda sharciga ah.

Ku-xigeenka Xog-hayaha Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Yemen, Muxammad Qaisan, ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay wuxuu ku yiri; “Adduunyadu waa tuulo yar oo ay ku mahadsan yihiin warbaahinta, qof walbana waa ogyahay inaad adiga (oo uu ula jeeddo Imaaraatka) aad weli ku sugan tahay Yemen,”.

Hadalka sarkaalka Yemen ayaana wuxuu jawaab u ahaa hadalkii Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Imaaraatka Anwar Gargash uu ku dhawaaqay khamiistii in dalkiisa uu soo afjaray joogitaankiisii ​​militari ee Yemen.

Qaisan ayaana qoraalkiisa wuxuu intaas ku daray: “Kala bax askartaada Socotra (koonfur-bari), Balhaf (gobolka Shabwa / koonfur), iyo Mayon (jasiirad / galbeed), oo jooji hubeynta maleeshiyaadka”. asigoona si cad ugu tilmaamay goobaha Imaaraatka wali kaga suganyihiin Yaman.

Qaisan ayaa wuxuu kaloo ugu yeeray mas’uuliyiinta Imaaraatka Carabta inay si kal iyo laab ah u taageeraan sharci ahaanshaha iyo dowladnimada Yemen.

Bishii Oktobar sanadkii hore ayay aheyd markii Wasiirka Imaaraatka Anwar Gargash uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dalkiisa uu soo afjaray faragalinta milatari ee uu ku hayay Yemen, ayadoona arinkaas timid daqiiqado kadib markii maamulka madaxweynaha waqtigaas doornaa ee Mareykanka John Biden uu ku dhawaaqay in la soo afjaray taageeradii militari ee Mareykanka ku bixin jiray dagaalka Yemen.

Inta badan saraakiisha Dowlada Yaman ayaa waxay Imaaraatka ku eedeeyaan iney ka shaqeynayaan kala qeybinta Yaman oo ay sheegaan in Imaaraatka doonayo sidii Koonfur iyo Waqooyi loogu kala qeybin lahaa.

Sidoo kale saraakiisha yaman ayaa waxay Imaaraatka ku eedeeyaan qorshihiisa ku aadan la wareegitaanka Dakada Yaman oo uu awoodiisa ku fidinaayo, sidoo kalana ay hubeynayaan Maleeshiyaad aanan taabacsaneen xukuumada sharciga ee dalkaasi ka jirta.

Balse Imaaraatka Carabta ayaana eedeymahaas iska fogeeyay ayadoona sheegtay sababtii ay dalkaasi usoo gashay iney tahay sidii loola dagaalami lahaa maleeshiyaada Xuutiyiinta ee garabka ka helayo Iran, awoodoodana meesha looga saari lahaa.

Waxa xusid mudan in Imaaraadku yahay saaxiibka ugu weyn ee isbahaysiga milatariga ee Sucuudigu hogaaminayo dagaalkana ka wado Yaman tan iyo bishii Maarso sanadkii 2015tii..

Sannadkii toddobaad oo xiriir ah Yemen waxaa ka socda dagaal ay Qaramada Midoobay ku sheegtay inuu yahay mid galaaftay nolosha in ka badan 233,000 oo qof, ayadoona 80% dadka ku nool yaman kuwaasoo kor u dhaafayo 30 milyan ay noloshooda maanta ku tiirsantahay gargaar Banii aadanimo si ay u noolaadaan, Waana dhibaatada ugu daran oo maanta caalamka ka taagan sida UN-ka sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here