Varun Dhawan waa atoore laga daba dhacay sidoo kalena hogaamiye u ah jiilka Bollywood-ka haatan ku faanaan waana xidig saaxiib la ah qof walbo.

Varun Dhawan ayaa banaanka soo dhigay sheeko xiiso badan oo in mudo ah naga qorseeneed wuxuuna kusoo aadiyay sheekadan xili uu filimkiisa Judwaa 2 si rasmi ah duubis ugu bilaabayey 2017 qeybihiihore.

Varun Dhawan ayaa sheegay inuu hada ka hor Salman Khan ugu hanjabay inuu dharbaaxi doono sidoo kalena xidigaan xiligaas uu cabsi weyn dareemay.

Varun Dhawan wuxuu yiri “Markii iigu horeesay ee aan Salman Khan la kulmay waxaan ahaa wiil yar sidaa darteed waxaan ugu yeeray ‘Adeer Salman’ ma fiican tahay?”

“Salman wuxuu iigu jawaabay ‘mar dambe Adeer ha iigu yeerin, waxaad i dhahdaa walaal Salman (Salman Bhai), hadii kale waan ku dharbaaxi doonaa!’”

“Wixii markaas ka dambeeyay Salman marwalbo oo aan arko walaal ayaan dhahaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here