1942: Love Story waa mid kamid ah Filimada Bollywood-ka ugu caansan ee 90-maadkii sameyeen waxaana kujirta heeska dunida qabsatay ee “Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga” oo heesaaga caanka ah Kumar Sanu ku qaatay abaal marinta heesaaga ugu wanaagsan Filimfare.

Inaba caadi ma ahen sida Anil mashruucan jaceylka ah u jilay iyo heeskan oo uu Bollywood-ka ku gil gilay sanadii 1994 hadaba Filimkaan xiisaha leh Anil Kapoor inuu sameeyo markii hore wuu iska diiday dhowaan wareysi uu bixinaayey ayeena dadka ku ogaadeen.

Waxuu yiri isagoo sharaxaayo sababta uu ku diiday markii hore,”sameeynta Filimkaan waan iska diiday markii hore sababto ah waxaan aaminsana inaan jili karin xiligaas doorka wiil dhalinyaro ah oo jaceyl galay maadama aan ahaa aabo seddex caruur ah u joogeen.”

“Kooxda Filimka waxaan u sheegay in aan laheen waji wiil yar oo jaceyl jili karo sidaa aawgeed Aamir Khan iyo Bobby Deol ayaa ugu baaqay in midkood Filimkaan uu sameeyo hase ahaate wey igu soo noq noqdeen kooxda Filimka cid aan adi ahen oo sameeyneyso majirto ayee idhaheen.”

“Markaas ayaan bilaaway inaan miisaankeyga wax ka dhimo oo wiil yar isku ekeysiiyo, Timaha ayaa gaabiyay shaaribkana sido kalena jimicsi dhameestiran ayaa sameeyay ilaa wiilyar aan u ekaaday Make-up na wey isaaciday sidaas ayaana ku sameeyay doorka Filimkaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here