Kusoo dhawaada aqristayaasha qiimaha badan qaybta labaad maqaalkeena aan kaga hadleenay 14-jilaa oo Bollywood-ka filimkooda kowaad lagu bartay geeriyoonayaan ama dhamaadka filimka dhimanayaan doorarkoodana saameyn xoogan yeesheen:

8) Bipasha Basu (Ajnabee): xidigtan filimkeedii kowaad ayaa siweyn loogu bartay doorka ay ka qaadatay iyo in dhamaadka mashruucan dhimaneyso.

9) Arjun Kapoor (Ishaqzaade) door adag oo saameyn xoogan leh ayuu kusoo caan baxay wuuna dhimanaa dhamaadka filimkan isaga iyo jaceylkiisa Parineeti ayaa is dilayaan.

10) Barbara Mori (Kites): Quruxleyda reer Spain filimkeeda kowaad ee Bollywood ah geeri ayay la kulmeysaa weliba dhamaadka filimka ayay is dileysaa.

11) Kangana Ranaut (Gangester): xidigtan filimkeeda kowaad ayay dhimasho mataleysaa madaama dhamaadka filimkan is dileyso.

12) Zeba Bakhtiar (Heena) Quruxleyda reer Pakistan filimkeeda kowaad Heena ee Raj Kapoor kusoo caan bixiyay dhamaadka filimkan wey geeriyoonee waxayna jaceyl shaashada ku wada mataleen Rishi Kapoor.

13) Priyanka Chopra (The Hero): xidigtan filimkeedii kowaad Sunny Deol iyo Preity Zinta la jishay dhamaadka filimkan ayay dhimaneysaa.

14) Ishaan Khatter (Dhadak) wiilkan yar ee Shahid Kapoor la dhashay filimkiisa kowaad dhamaadka mashruucan wuu dhimanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here