Superstar Ajay Devgn ayaa codkiisa rasmiga ah laga dhex maqlaa goos gooska Sooryavanshi si qaas ah 30 ilbiriqsi ugu horeyaan waxuuna ka sheekeynaa marxaladihii magaalada Mumbai soo martay iyo weeraradii loo geestay.

Ajay ayaa loo doortay inuu 30 ilbiriqsi Narration-ka ama codeynta ka sheekeynta Mumbai waxaana codkiisa la maqlaa ilaa Akshay Kumar shaaashada kasoo galaayo dadka badan ma fahmsana arinkaan kaliya qofkii Devgn codkiisa yaqaano mooyee iyo qof xog ahaan arinkaan u ogaaday.

Dhanka kale Ajay Filimka muuqaal marti ayuu ku leeyahay waxuuna kusoo galaa doorkiisa Singhma halka Ranver Singh oo asna muuqaal marti kuleh uu kusoo galaayo doorkiisa Simmba labadaba waxay caawinayaan Akshay Kumar iyo doorkiisa Sooryavanshi.

24 bishaan Maarso ayaa tiyaatarada la saara Sooryavanshi waxaana laga cabsi qabaa in dib loo dhigo maadama Corona Virus si weyn u faafay ganacsiga Filimkana saameeyn weyn ku yeeshto si kastee ahaataba qorshaha hader waa 24 Maarso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here