Bollywood Superstar Ajay Devgn 30-sano ayuu fanka Hindiya ka tirsan yahay wuxuuna ka mid yahay atoorayaasha awoodooda joogtada ahayn oo aan loo dhawaan karin haatana waqti wacan ayuu bartanka kaga jiraa madaama filimadiisii ugu dambeeyeen Total Dhamaal, De De Pyaar De iyo Tanhaji guulo waa weyn gaareen.

Haddaba Devgn wuxuu si gaar ah banaanka usoo dhigay hadda ka hor inuu cabsado raacista wiishka marka uu koraayo dabaqyada dhaadheer ee aan jaran jarta ama salaanka lagu kori karin oo waqti badan kaa dilaayo balse Devgn cabsida uu wiishka ka qabo awgeed wuxuu diyaar u yahay dabaqa midka ugu dheer xitaa inuu jaraan jartiisa ku socdo.

Ajay Devgn mar uu ka qayb galay barnaamijka shactirada badan Kapil Sharma Show ee shactiroole Kapil Sharma ku caan baxay ayuu sirtaan u gaarka ah banaanka soo dhigay wuxuuna yiri “Waxaan nacay wiishka marki aan sameenayay filimkii Bhoot ee cabsida badnaa Director Ram Gopal Varma iska lahaa waxaa dhacday anigoo saaran wiishka oo dabaqa 4-aad sii mareyno halmar inuu si xawaare ku dheehan hoos ugu soo baxsaday kadibna sagxada hoose tagay, gabi ahaan wiishka wuu bur buray balse nasiib wanaag waxba ima soo gaarin.”

Ajay oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Waxaan wiiska ku xirneyn mudo hal saac iyo bar ah, wixii markaas ka dambeeyay waxaan go’aan ku gaaray wiish dambe inaan raacin xitaa haddii aan dabaqa 28-aad balan ku leeyahay jaran jarta ayaan ku lugeenaa xitaa ha igu qaadato saacado badan inaan salaanka sii koro waayo wiishka aad ayaan uga cabsadaa mana isku aamini karo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here