Atirishada dhalinta yar Kriti Sanon dhaawac lama filaan ah ayaa soo gaaray xili ay bilawgii sanadkaan duubeesay filimka Raabta ee uu Director Dinesh Vijeyan iska leeyahay.

Filimka Raabta Kriti Sanon waxaa ku wehliyay Sushant Singh Rajput waxaana xidigaan soo gaaray dhaawac xili ay duubeesay muuqaal halis ah oo fardo fuul ahaa.

Kriti Sanon ayaa ka hadashay dhaawaca soo gaaray waxayna tiri “Waxaan sameenayay ficil fardo fuul ah anigoo si xawaaro ku dheehan faraska u wado ayaa ka dhacay faraskii nasiib xumo jilbaha iiguma jirin wax daboolo midaasna waxay sababtay in jilbaha dhaawac halis ah iga soo gaaraan”

Kriti Sanon waa gabar fanka kucusub balse dulqaad iyo ad adkaan badan leh nasiib xumo Raabta Box-officeka guul kama gaarin wuxuuna noqday Disaster ama filim burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here