Soundarya waa atiriisho koonfur India kasoo jeeda 90-maadkii ilaa bilawgii qarnigaana caan ka ahed fanka aflaam taariikhi ahna sameysay balse halmar ayee macsalaameysay dunida oodhan bilawgii qarnigaan markee shil ku geeriyootay.

Soundarya waxay dhalatay 18 July 1972 halka ay geeriyootay 17 April 2004 sido kale sanadkii 2003 ayee guursatay iyadoo 30 jir ah balse sanad kadib weyba geeriyootay shil diyaarad ka dhacay Bangalore ayee ku dhimatay. Xidigtaan waxay sameeysay aflaam badan oo uu ugu caansan yahay filimka Soomaalida jecelyihiin ee Goore Goore (Sooryavansham) kaasoo Amitabh Bachchan labo waji kujilay.

Filimkaan shacbiyad badan ayee kuheshay doorkeeda aad ayaa looga helay xidigtaan sida Big B shaashada ay ula qeybsatay waxaa la sheegay iyadoo usocoto Andharw Pardhesh si ay xaflad kaga qeyb gasho inee geeriyootay.

31 jir ayee ahed 17 April 2004 shil diyaarad ka dhacay gobolka Bangalore ayee xidigtaan ku geeriyootay dad badan oo ku barteen filimka Sooryavansham ilaa hada kama war qabaan inee xili hore geeriyootay atiriishadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here