Ma Ogtahay Atirishada Kareena Kapoor Ine Ahed Dooqa Kowaad Ee Filmka Menta Hai Kya?

Mental Hai Kya waa film kaartooyin badan laga soo bandhigay ayna hogaamiyaal ka yihiin Kangana Ranaut iyo Rajkumar Rao ayadoo fariitna filmkaan tahay mid cabsi, dareen, qosol iyo jahawareer joogto isku dhexjirto ah .

Waxaa maalgalineyso Ekta Kapoor halka uu Director ka yahay Prakash Kovelamudi, hadaba wararka kasoo baxaya wargeysyada caalamka waxay sheegayn in Kareena markii hore mashruucan loo soo bandhigay.

Sanadkii 2013 ayee Ekta Kapoor u bandhigtay mashruucan Kareena Kapoor iyo Emran Hashmi inee filmkana wada sameyaan aydoo waliba magaca filmka markaas loo bixiyay Badtameez Dil si kastee ahaatana Kareena ayaa sedex siyaabod ku diiday sameynta mashruucan.

Mida kowaade sheekada filmka aye xidigaan u aragtay mid xun oo an la wanaagsaneyn sido kalen laciif ah mida labaad muuqaalo dareen ayaa sheekada baxeen oo ay Emran Hashmi la wadaageysay xitaa kuwa qaarkod dharka ayaa la dhigana in badan.

Mida sedexaad waqtiga ayaa ku yaraa oo wey mashquulsaned sidaa awged wey iska diiday xidigtaan inee saxiixato filmkaan kadib meel ayaa la iska dhigay waxaana boorka laga jafay sheekada filmka sanadkan 2018 ayadoo waxyar laga bedelay.

Waxaana durba saxiixatay Kangana Ranaut halka Rajkumar Rao uu kadaba saxiixday goordhow ayaa duubis lagu bilaawa ayadoo qorshaha yahay in la daawado sanadkaan.