Lady Superstar Nayanthara waa atirishada Tamil ama Kollywood ugu awooda badan sidoo kalena kasoo muuqato ama Telugu (Tollywood) sameeyaan marar kala duwana dhanka Waqooyi ama Bollywood-ka laga soo dalbaday balse waxay ka door bidaa fanka Koonfurta oo ay saameyn ku leedahay inay ku nagaato.

Balse Nayanthara ma ogtihiin in Nayanthara 11-sano ka hor qarka u fuushay inay is guursadaan boqorka Dance-ga Hindiya sidoo kalena filimada sameeyo cid kale ma ahan waa Mr. Prabhudeva ayagoo guur ku heshiiyeen waxayna ahaayeen lamaane siweyn Koonfur Hindiya in mudo ah looga hadal haayay.

Nayanthara iyo Prabhudeva waxay is barteen intii ay socotay duubista filimkii Villu ee sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimkii Soldier ee Bobby Deol iyo Preity Zinta wada jileen sanadii 1998 waxaana dib u sameeyay Superstar Vijay halka Prabhudeva uu Director ka ahaa waxayna Nayanthara ka ahayd atirisho kowaad.

Prabhudeva iyo Nayanthara siweyn markii ay isku fahmeen sanadii 2009 waxay shaaca ka qaadeen inay is guursan doonaan sidoo kalena labada qoys oo ay kasoo kala jeedaan wey soo dhaweeyeen waxayna ku war galiyeen saaxiibadooda aadka ugu dhow guurkooda xiliga uu dhacayo balse si lama filaan ah oo qof walbo naxdin ku noqotay ayay shaaca kaga qaadeen markii waqtigooda guurka soo dhawaaday inay kala hareen xiriirkoodana bur buray soona kaban doonin!

Prabhudeva marnaba ma uusan ka hadlin xiriirkii ka bur buray balse Nayanthara ayaa ka hadashay waxayna tiri “Xiriir walbo wuu soo idlaan karaa guurka hortiis ama gadaashiis xiriirkeenii wacnaa aniga iyo Prabhudeva halmar ayuu gaaray halkii ugu hooseesay waxaana xal u aragnay inaan wax walbo si deg deg ah kuso idleyno ayadoo aysan jirin cid gaar ah oo eed la saarayo.”

“Aniga ahaan xiriir haddii aan qof la sameenayo waxaan jeclahay 100% inaan daryeelo xiriirkaas balse haddii qofka kale sidaas wax iila fahmi waayo iguma adko 100% xiriirkaas inaan bur buriyo, balse hadda ma doonayo inaan si qoto dheer wax walbo uga hadlo ileen waqtigeeda lama joogo wax walbana mar hore ayay soo idlaadeen kamana xumi wixii markaas dhacay.”

Nayanthara haatan waxay xiriir la wadaagtaa filim sameeyaha lagu magacaabo Vignesh Shivan waxayna sheegeen inay dhawaan wada aqal gali doonaan balse qof walbo shaki ayuu qabaa in Nayanthara xiriirkaana bur buriso, marka aan waqtiga u deyno sidoo kalena aan wada sugno waxa xiga ee dhici doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here