Bollywood Original Action Hero Dharamji Dharmendra waa mid kamid ah halyeeyda lagu faani doono abid maadama uu halyeeygan in badan Bollywoodka hormarkiisa qeyb libaax leh kasoo qaatay.

Dharmendra iskooro badan ayaa wali u yaalo kuwaaso xidigo badan ku daaleen inee jabiyaan waana jilaa magac iyo maqaam aan qofwalba gaari karin gaaray.

Hadaba xidigaan waxwalbo mudan ayaa waxaa jirto in uusan waligiis ku guuleysan abaal marinta qaaliga ah ee shirkada filmfare Awards bixiso qeybta atooraha ugu wanaagsan.

Dharamji mudo sanado kahor ayee shirkadaan gudoonsiisay abaal marinta nooca looyaqaan shaqsiga mudada dheer fanka kusoo jiray (Lifetime Achievement Award)

Balse Dharamji siduu u necebyahay abaal marinda iyo inuusan xiiseynin hadana gudoomay abaal marintaan asigoo ka hadlaayo wuxuu yiri,”Aniga ma ahi qof xiiseya abaal marinada gabi ahaanba ee waxaa sharaf iyo wanaag iigu filan dadka oo jaceyl aan ka kasbaday.”

“Hadiiba mar dadka qaab jiliinkeyga iyo filmkeyga ay jeclaadan abaal marin midii ugu weyneed waa taa wana hantay aniga marka abaal marintaa waxaan u gudoomay wax kale ma aha Dilip Kumar dartiisa waaye.”

“Sideen ku diidi karaa Dilip Kumar oo masraxa soo koray misane abaal marin gacanta kusita iina yeeraya waayo waa shaqsiga kaliya ee aan waligey jeclaa aana taagero rasmi ah u ahaa miyaan diidi karaa xaqiiq ahaan maya ma diidi karo, hadiiba aan gudoomay abaal marintaas waa mudane Dilip dartiisa.”

Dharamji wuxuu cadeyay xushmada uu u haayo Super Star Dilip Kumar kaaso asna ah shaqsi India oodhan ay jeceshahay waana Boqorkii murugada ninkii loogu yeeri jiray bari samaadkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here