MACLUUMAAD QARIIB AH OO KAA YAABIN DOONO. AKHRISO SIINA SHARE GAREEY.
1-Maroodiga markuu murugoodo wuu ooyaa hadey Quraanjo dhagta ka gashana wuu dhintaa.
2-Hadii Dib qalooca (Hangaralaha) dab lagu hareereeyo wuu is qaniinaa si uu isku dilo.
3-Waxaa la ogaaday in dhirta qaar kamid ah ay soo saarto Sun si ay u dhintaan dhirta ku hareereysan kaligeedna biyaha u cabto. Cali garoobka ayaa kamid ah.
4-Galleyrka wuxuu awoodaa inuu noolaado 100sano, Arinta layaabka lehse waxay tahay asiga caadi ahaan uma dhinto ee markuu jiro uusan ka kici karin dareeemo wuu is dilaa.
5-Raha wuxuu awood u leeyahay inuu biyaha maqaarkiisa ku jiro soo dhuuqo si lamid ah wuxuu biyo ka dhuuqi karaa maro qoyan.
6-Fardaha waxay awoodaan iney noolaadaan ku dhawaad 20bari biyo iyo baad la,aan.
7-Ninka dawacada hal dawaco kabadan kuma xirnaan karo hadey ka dhimatana gadaasheed dawaco kale uma dhawaado lkn naagta dawacada haduu ninka ka dhinto mid kale ayay raadsataa.
8-Ma ogtahay cilmi ahaan Yaanyada in Miraha lagu tiriyo halka Mooskana cowska lagu tiriyo.
9-Baaritaanadii ugu dambeeyay waxay cadeeyeen in Sigaarka dhexdiisa ku jiraan in kabadan 200maado sumeysan kuwaas oo 40kamid ah sababaan kansarka.
10-Maska wuxuu awoodaa 30daqiiqo kadib inuu wax qaniino markii madaxa laga gooyo. Waa sababta ay soomaalida u tiri Mas madaxaa laga dilaa marka hadaad mas dileysid madaxa ka jijibi.