90kii waxaa jireen heeso caan ah oo in badan laga daba dhacay maanta heesaha jiro iyo kuwii 90kii in badan iskuma dhowa waxaana xusid mudan in maanta dunida laga dhageysto heesihii 90kii caanka ahaa.

Hadaba waxa jirto arin kaa qarsoon balse daaha laga qaaday taaso ah in SRK filimkiisa Dil Se ee Manisha Koirala iyo Preity Zinta la hogaamineyeen taaso ay kujirtay hees caan ah filimkaan taaso la dhaho ‘Chaiyya Chaiyya’ SRK ayaana tareen dushiisa heeskaan kujilaayo.

Waxaa jiro wareysi hore oo laga qaaday gabadha filimada sameyso ee Farah Khan taaso filimkaan u qaabilsaneed dhanka qoob ka cayaarka agaasimkooda waxana wareysigaan lagu weydiyay waxa ku kalifay inee Train dushiis ay u doorato in heeskaan loogu cayaaro.

Waxayna tiri ayadoo hadleysa,” Sababtoo ah waa naloo diiday inaan boosteejada tareenka heeska ku duubno (Wey qosleysay markee sidaa lahed), waxaan markii hore qorshesanay in heeskaan lagu duubo boostekada tarenka laga raaco waxaana fileynay in tarenka la is taajinaayo sido kalena dadka dhamaan soo daganayaan.”

“Dabadeedna muuqaalkii heeska ahaa halkaas ku duubno balse waa naloo diiday oo fasax uma aynan heesan sidaa awged danta waxay nagu kaliftay inta uu tareenka socday inaan heeskaan tareenka dushiisa ku duubno.”

“Kadib markaan fikirkaan u sheegay mudane Mani (Mani Ratnam Directorka filimka) aadbuu ula dhacay fikirkaan waana kuwada qanacday kadibna howsha sidaas ayaan ku galnay oo aan heeskii ku duubany.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here