Ma ogtahay heeska Nazarbattu ee filimka YPD Phir Se ku jirto in hal saac lagu sameeyay!

Inaba caadi ma ahan heeska jaceylka ah Nazarbattu ee filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se ku jirto waxay noqotay mid siweyn u hirgashay oo aadna looga wada helay.

Haddaba labada muusigada sameeyeen iyo sheekadana kasoo maaxatay Sachit iyo Parampara ayaa shaaca ka qaadeen in kaliya hal saac ku qaadatay diyaarinta miraha iyo laxanka heeska Nazarbattu!

Sachit iyo Parampara waxay noqdeen muusig sameeyayaashii ugu horeeyay ee lab iyo dhidig ka kooban oo hal hees wada sameeyaan Bollywood-ka waxayna ku faraxsan yihiin heeskooda Nazarbattu inay siweyn u hirgashay.

Sachit iyo Parampara waxay ku faraxsan yihiin sidoo kalena in heeskooda hal saac ayay ku qoreen muusigadana ku saareen inay dadka xasuus hore galisay weliba qaabkii ruug cadaa Kishore Kumar heesaha u qaadi jiray xasuusiyeen.

Heeska Nazarbutti waxaa lagu duubay gobolka Punjab gaar ahaan mandarka Golden Temple loo yaqaano iyo goobo kale oo caan ah muuqaalkana Bobby Deol iyo Kriti Kharbanda ayaa laga duubay.

Fadlan hoos ka daawo heeska Nazzarbutti oo ay haatan 4-milyan oo qof ka badan barta Youtube-ka ka daawadeen waxaana Youtube-ka lagu soo fasaxay 4-tii bishan August:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*