Xidigaha Bollywoodka ee kala ah Hritik iyo John maanta farta ayee qaniinayaan maadama ay diiden doorar waaweyn iyo filim maqaam sare joogo hadaba waxaa soo ogaanay in Hritik lala rabay doorki Prabhas ee filimkaan sido kalena John asigana lalarabay doorkii Rana.

waxaa lashegay in filimsameye SS Rajamouli uu laxariiray labadaan atoore walibana uu udiray sheekada filimkaan balse wax jawaab ah uu ka waayey malaha mashruuca koonfur ayee yaseen filimsameyahan ayaa ugu talo galay markii hore doorarkan waaweyn labadaan xidig balse jawab uma soo celinin.

sidaa awgeed wuu ka tashtay wuxuuna la saxiixday xidgaha kala ah Prabhas iyo Rana, maanta Hritik iyo John farta ayee qaniinayan maadama ay diiden doorar waaweyn, waxaa kaloo lashegay in Sridevi iyo Sonam Kapoor ay ayagana diideen filimkaan.

filimsameyahan ayaa la xariiray Sonam una sheggay sheekada filimka balse wey iska diiday waxayna arinkaan cadeysay mar ay ka qeyb qaadaneysay show ay hogaamineysay Neha Dhupia.

hadaba Sonam ayaa shegtay in Rajamouli lasoo xiriiray una sheegay sheekada filimka balse xidigtaan ma aysan cadeyn doorka filimkaas ay ku laheed iyo asbaabta ay u diidey, dabcan doorarkii Anushka iyo Tamannaah mid uun ayee ku laheed.

sido kale Sridevi markii loo bandhigay filimkaan waxay ka dooratay filim ay la sameyn laheed Super Star Vijay kaaso ay door laadarnimo buuxda kumataleysay, hadaba doorka ay Baahubali kulaheed ayaa ahaa doorkii Ramya Krishnaa taaso aheyd duqda soo korineysa labada wiil ee Prabhas iyo Rana kuwaaso u tartamaayen suldaanimada ama boqornimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here