Filimka Robot 2.0 ayaa ka mid ah aflaanta ugu xiisaha badan Akshay Kumar ayaa filimkaan door laadarnimo ku jillaya, wuxuuna la dagaalamaya Superstar Rajinikanth oo ay Soomaalidu u taqaanno Jeestoole kaasoo hogaamiye ka ah filimkaan.

Robot 2 Ama 2.0 waxuu dhanka Bollywoodka ka noqday Super Hit weyn waana mashruuc lacago waaweyn lagu sameeyay , akhristeyaasha Filimside ayaa laga yaabaa in aysan ogeyn in filimkaan loo soo bandhigay Megastar Aamir Khan si uu hogaamiye uga noqdo.

Balse Aamir Khan waa uu iska diiday inuu sameeyo filimkaan, wareysi uu siiyey ZeeEtc ayuuna sharraxaad kaga bixiyey sababtii ka dambeysay inuu diido sameynta Robot 2.0:

“Mudane Rajini waqtigaas xaaladdiisu ma aysan fiicneyn, sidaas darteed wuxuu la hadlay Director Shanmugam Shankar wuxuuna ku yiri ‘Fadlan Aamir Khan ka codso inuu sameeyo filimkaan’ xitaa Mudane Rajini wuu isoo wacay wuxuuna igu dhahay ‘Fadlan sameey filimkaan’.”

Si kastaba ha ahaatee, Aamir Khan ayaa iska diiday sameynta filimkaan. Uma uusan diidin in sheeko ahaan uu liito umana uusan diidin in lacagta uu ku sameynayo ay yar tahay, balse Aamir Khan ayaa sharraxay sababta.

Wuxuuna yiri: “Sheeko ahaan waa cajiib filimkaan, waxaana aaminsanahay inuu ganacsi ahaan guuleysan doono. Laakiin marwalba oo aan indhaha isku qabto, waxaan dareemi jiray inuu Mudane Rajini ku habboon yahay hogaanka filimkaan. Aniga ahaan iskuma arkin mid ku wanaagsan hogaanka filimkaan.”

Aamir Khan ayaa ka dib wacay Shankar wuxuuna u sheegay in uusan sameyn karin filimkaan maadaama Superstar Rajinikanth oo keliya uu sameyn karo doorkaan isla markaana aysan jirin cid bedeli karta.

Sidaas darteed Aamir Khan wuxuu halkaas ku muujiyey inuu yahay halyeey dhab ah. Sidoo kalena uu shaqsi aadane dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here