Superstar Ajay Devgn sanadii 1991 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray haatana 30-sano fanka Hindiya ka tirsan yahay maqaam sare ayuu gaaray welina awoodiisa waa joogto wuxuuna sameeyay aflaan badan oo Big Hits noqdeen sidoo kalena Classic ah wuxuuna leeyahay taageerayaal fara badan oo daafaha caalamka ku kala nool.

Haddaba ma ogtihiin aqristayaasha qiimaha badan in Ajay Devgn labadiisa filim ugu horeeyeen isku dhac xoogan galeen balse labada isku dhacba isaga guuleestay weliba asigoo fanka ku cusub ayuu ragg waa weyn meel saaray.

Ajay Devgn filimkiisii kowaad Phool Aur Kaante waxaa la jishay atirishada Madhoo waxayna isku dhaceen filimkii weynaa Lamhe ee Anil Kapoor iyo Sridevi hogaamiyaal ka ahaayeen halka Yash Chopra Director ka ahaa balse Ajay filimkiisa Super Hit ayuu noqday halka filimkii weynaa Lamhe Flop noqday waana la yaabkii ugu weynaa 1991 dhacay.

Ajay filimkiisii labaad Jigar oo ay la jishay Karisma Kapoor waxaa la daawaday Diwali 1992 balse kaligiis masraxa lama saarin waxayna isku dhaceen filimkii weynaa Yalgaar ee Feroz Khann, Sanjay Dutt, Kabir Bedi iyo Manisha Karoila wada jileen balse Ajay ayaa guusha qaatay madaama filimkiisii Jigar HIT noqday halka filimkii weynaa Yalgaar Flop noqday.

Sidaa darteed Ajay Devgn bilawgiisii waaya fanka Hindiya dar dar aan caadi ahayn ayuu kusoo galay si deg deg ahna xidig weyn ayuu ku noqday madaama labo filim waa weyn oo ragg waa weyn la isugu keenay meel saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here